Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Sacuudigu Leeyahay Oo Laga Hor Istaagay In Uu Hub Ka Daabulo Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Markab laga leeyahay Sacuudiga ayaa ka Shiraacday dekad ku taal waqooyiga Faransiiska iyadoo aysan saarneyn wax hub ah kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay culeys Saareen.

1557520674a4309.jpg

Hey,ada lagu magacaabo The Christian Action ayaa Khamiistii ka hor timid arintaan iyada oo u mareysa hab Sharci ah,waxaana ay sheegtay in hubkaan halis ku yahay amniga Caalamka.

Dacwad ka dhan ah hubka Sacuudiga oo la geeyay Maxkamada ku taal Paris ayaa waxaa ka baxay garsooraha Faransiiska,balse Markabka Sacuudiga ayaa isla markii ka shiraacday xeebta Le Havre.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in uu isbadal ku yimaado qorshaha markabkaan hubka u daabuli rabay Sacuudiga.

Qareenka lagu magacaabo Laurence Greig oo matalayay hey,ada ACAT ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in markabkaan uu ka shiraacday Faransiiska isaga oo aan daabulin hubkii loogu talagalay in uu Qaado.

Arintaan ayaa imaaneysa todobaadyo kadib markii Website faafiya siraha uu daabacay isaga oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Faransiiska in hub laga Iibiyay Boqortooyada Sacuudiga.

Hubkaan oo isugu jiray Taangiyada dagaalka madaafiic iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen.
aarneyn wax hub ah kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay culeys Saareen.

Source

Share this post

Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this