Deeq A. Posted May 11, 2019 Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun, kuli nafsin Daa,iqatal mowd. Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh Uga soo gudbinayaa dhamaan uma Afsomaliga ku Hadasha, gaar ahaana umada reer Somaliland iyo Eheladii iyo qaraabi, Geeridu waa xaq Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo tii alle u timid maanta ah 5tii bisha Barakeysan ee rabadaan oo ku began 10.05.2019. Tixdani waa baroordiiq Geeriyada X. Cabdikarim. Tacsi/baroordiiq Dire: Omar Ali Abd Stavanger, Norway Doon baynu wada saaranahay ruuxba goordiye Damal baa ka baxay geliyaday debec ku noolayde Dirka magaca soomaaliyeed daaqad baa maqane Xigmag duuga ah baa naga luntiyo deris walaaleyne Diirdiiranaan iyo go’aan ereyo dug weyn leh Alleylee wuxuu daah u go’ay daacadnimo guude Dermo nabad u taal buu ahaa maalintii darane Ee ma Cabdaa daliilkii u yimid daa’iqatal mowd? Mar hadaanay daartani ahayn degel la joogaayo Oo uu Rasuul (SCW) dooranaa daayin uga yeedhay Ama aan baroor laysku daro la isku deyneynin Oo malag diyaar ahi wakhtiga qalin ku duugaayo Waa inaan daryeelaha ilaah duco su’aalaaye Naxariis ku deeq oo alloow aan qabrigu diiqin Degdegna uu jawaab sugan u helo dalab malaa’iigta. ….Ameen jaa rabi ilaahow su’aasha u fududee… bilde.png Qaran News Share this post Link to post Share on other sites