Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf lama filaan ah oo ka dhashay shirka Garowe – Axmed Madoobe vs Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada Puntland ayaa shaaciyey in khilaaf hor leh uu ka dhex aloosan yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani iyo Madaxweyanaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Khilaafkan oo shalay gaaray heer aan la filanayn ayaa salka ku hayo falcelin uu ka muujiyey Madaxweyne Dani go’aano dhowr ah oo uu  Madaxweyne Axmed Madoobe ku adkeystay, taas oo carqalad ku noqotay hab-sami u socodka shirka, maalmihii la soo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kadib kulankii xalay, ay si kulul khadka taleefanka ugu wada hadleen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay madasha shirka imaan waayeen madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa diiday in dowladda Soomaaliya ama beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan doorashada Jubaland, waxaana Madaxweynaha Puntland uu dadaal ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Jubbaland in uu ka tanaasulo qodobkaas, maadama go’aanka u danbeeya ee doorashadaas ay leeyihiin dadka deegaanadaas, isagoona tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Puntland ee isaga lagu doortay. Si kastaba Axmed Madoobe ayaa Deni ku diiday arrintaas.

Sioo kale, Axmed Madoobe ayaa dhowr mar dalbaday in la helo damaanad-qaad dhanka beesha caalamka ah oo goobjoog ka noqda qodobada lagu heshiinayo, taas oo ay isku maan-dhaafeen madaxweyne Deni oo u aaminsan inuu asagu damaanad ka noqon karo wax walba oo shirkan ka soo baxa maadaama uu isagu gogoshan fidiyay, inkasta oo aanba wax heshiis ah la gaarin.

Wararka gaarka ah ee aan helayno ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu maanta gelinka hore ka amba-bixi doono magaalada Garoowe, waxaana la filaya in uusan saagootin wanaagsan ka heli doonin maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this