Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Garoowe oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii wada-tashiga qaran ee Garoowe uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa gebi ahaanba fashilmay, kadib lix maalmood oo la is hor-fadhiyay iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Dhammaan madaxda federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada shirka ka qeyb galay ayaa maanta oo sabti ah ka dhoofaya Garoowe, kuna laaban doono magaalooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Ilo-wareedyo lagu kasloon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in la filayo in madaxweynaha martida loo ahaa ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu warbaahinta la hadlo isla markaana uu rajo muujiyo una mahad celiyo madaxda sida ay codsigiisii u ga aqbaleen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ramadaanka kadib lagu ballamay in shir kale la isugu yimaado, balse marka la eego halka uu khilaafku gaaray aad ayey u adagtahay in uu kulan kale qabsoomo.

Shirkaan oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxa uu noqday kii ugu waqtiga dheeraa, marka la eego saacadaha uu socday. Soomaalida ayaa rajo weyn ka qabtay in madaxdu ay gaari doonaan qodobo wax ku ool ah, balse waxa uu noqday mid lagu hungoobay.

Cidina ma saadaalin karto sida ay wax noqon doonaan iyo halka loo dhaqaaqi doono, balse waxaa muuqata in kaalinta beesha caalamka loo baahnaan doono si ay madaxda Soomaalida ay u heshiiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

Dowlad goboleedka Soonaaliyeed ee Galmudug ayaa ku dhawaaqday in uu fashilmay shirkii wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu sheegay in uu fashilmay shirka Garoowe waxaana fashilka shirkaasi Galmudug ku eedaysay xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida war-saxaafadeedka ku xusan.

Halkaan hoose ka akhriso

IMG-20190511-WA0003.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo ku dhawaaqday in shirkii Garoowe fashilmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

1. Xaaladda Galmudug ay Kujidho ayaa qaadatay in Muddo 4 bari natiijo Laga Gaariwaayay. 2. Xeerka Dorashooyinka ee ay xukumadda Ansixiyay oo aan waafaqsaneyn Dastuurka [...]

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this