Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha kuxuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)  Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda & dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad ayaa kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.

Goobjoog New

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this