Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada shaqsiyaadka iyo doomaha A/Madoobe u qaabilsan dhuxul dhoofinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Soomaaliya horey ayaa looga mamnuucay dhoofinta dhuxusha wuxuuna amarkaas kasoo bilowday Qaramada Midoobay oo sheegtay in lacagta laga helo dhoofinta Dhuxushada lagu maalgeliyo Kooxda Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in goynta dhirta ay saameyn ku yeelan karto Deegaanada Soomaalida.

Amarkaas iyo digniintaas isla socoto weli ma aysan ka hirgelin Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Jubbaland, waxaana weli socoto dhoofinta Dhuxusha.

Waxaa hadda Dekadda Kismaayo taagan illaa seddex doomood oo lagu rarayo dhuxul kuwaas oo la rajeenayo inay asbuuca berri bilaabanayo ka dhoofaan halkaas.

Dhuxusha ku raran doomahaan ayaa waxaa loo wadaa wadamada Iiraan iyo Ciraaq oo inta badan loo raro Dhuxusha laga qaado Soomaaliya.

Waxaa Caasimadda Online u suurtagashay inay hesho magacyada dadka iyo Doomaha Axmed Madoobe u qaabilsan dhoofinta Dhuxusha.

Axmed Madoobe ayaa sameeyey koox shakhsiyaad ah oo isku xiran iyo Doomo ganacsi oo lagu raro Dhuxusha.

Doomaha Dhuxusha looga dhoofiyo Kismaayo ayaa waxay Dekadda kaga gudbaan Waraaqo been abuur ah, waxaana la geeyaa Iiraan iyadoo halkaasna looga sii gudbiyo Imaaraadka Carabta.

Magacyada dadka shaqadaan u qaabilsan Axmed Madoobe

1) Cabdi Saciid Dhuxul

2) Saalax Yuusuf

3) Deeq Gariyow

4)  Cusmaan Barre Cali

5) Cabdi Maxamed Warsame (BBC)

6) Cabdishakuur Ibraahim Salaad Eelay

7) Yuusuf Yare

8) Faarax Deg deg

Magacyada Doomaha lagu rarayo Dhuxushada ee u Shaqeeyo Axmed Madoobe

1) MV Azmaad

2) MV Dwood

3) MV Yasin Shah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this