Sign in to follow this  
Deeq A.

Qof Hubaysan Oo Rasaas Ku Furay Masaajid Ku Yaalla Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Qof hubaysan ayaa rasaas furay isaga oo ku sugan bannaanka masaajid ku yaalla London, iyadoo ay dadku tukanayaan taraawiix.

ca42bb5c-5721-49fa-94bd-dce11a9f05a5.jpg

Booliiska ayaa la wacay oo loo sheegay nin hubaysan oo galaya masaajidka ku yaalla Seven Kings.

Dadkii cibaadaysanayay qaar ka mid ah ayaa masaajidka ka hor istaagay qofkii, intaas ka dibna rasaas ayaa la maqlay.

Dhaawac ama hanti burburtay midna lama soo sheegin, sida uu sheegay booliiska, waxayna intaas ku dareen in ay rumaysan yihiin in dhacdadaasi aysan shuqul ku lahayn argagixisanimo.

Taraawiixda ayaa lagu tukanayay masaajidka waddada High Road marka arrintaasi ay dhacaysay.

Weerar laga cabsi qabo

Booliiska ayaa sheegay “in askar ay ka mid yihiin kuwo hubaysan ay tageen masaajidka, isla markaasna aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur soo gaaray masaajidka”

“Arrinti wakhti aan fogayn ayay dhacday, baaritaanna waxaa lagu hayaa caddaymihii meesha laga helay nooca hubka ee la adeegsaday ayaana laga garan karaa”.

Askarta ayaa sii joogtay masaajidka habeenkii, ayay booliisku intaas ku sii dareen.

War saxaafadeed uu soo saaray Guddiga Muslimiinta oo Twitterka lagu baahiyay ayuu imaamka masaajidka Mufti Suhail ku sheegay in aysan wali caddayn ujeedadda uu lahaa qofka laga shakisan yahay.

Wuxuu dadka ugu baaqay “in ay ka baaqsadaan faafinta wararka la isla dhexmarayo een wali la xaqiijin.”

Waxaa sare u kacay walaaca laga qabo ammaanka goobaha cibaadada ee dunida oo dhan ka dib weerarradii dhawaan dhacay.

Bishii March ayaa weerar lagu qaaday dad badan oo ku jiray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, 50 ayaana halkaas ku geeriyooday.

Bishii Abriilna dalka Sri Lanka ayaa lagu weeraray kiniisado iyadoo dadku ay u dabaaldagayeen ciidda Kiristaanka ee Easter, weerarkaas ayaana lagu dilay 253 ruux.

Hal toddobaad ka dibna haweenay ayaa dhimatay ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay macbad yahuudeed oo ku yaalla California.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this