Deeq A. Posted May 10, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Xildhibaan C/kariin Xuseen oo loo yaqaanay Cabdi Waraabe uu maanta ku geeriyooday magaalada Hageysa. Xildhibaankan ayaa waxa uu kamid ahaa Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland. Xildhibaanka AUN ayaa waxa uu ku geeriyooday goordhoweyd oo maanta ah isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa, kaasi oo muddooyinkii u dambeysay lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Cabdi Waraabe, ayaa wuxuu sidoo kale kamid ahaa oo uu kujiray dadkii naadirka ahaa ee lugaha u taagay nabada ka jirta deegaanada Somaliand, isagoona qeyb kasoo qaatay shirarkii lagu dhisay Somaliland. Xildhibaanka ayaa waxa bulshada reer Somaliland u bixiyeen Aabihii Samaha iyo Nabadda, taasi oo uu ku kasbaday nabadeynta beelo kasta oo is-dagaala iyo ka shaqeynta arrimaha nabada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites