Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Cabdi Waraabe oo goordhow geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Xildhibaan C/kariin Xuseen oo loo yaqaanay Cabdi Waraabe uu maanta ku geeriyooday magaalada Hageysa.

Xildhibaankan ayaa waxa uu kamid ahaa Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaanka AUN ayaa waxa uu ku geeriyooday goordhoweyd oo maanta ah isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa, kaasi oo muddooyinkii u dambeysay lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad.

Cabdi Waraabe, ayaa wuxuu sidoo kale kamid ahaa oo uu kujiray dadkii naadirka ahaa ee lugaha u taagay nabada ka jirta deegaanada Somaliand, isagoona qeyb kasoo qaatay shirarkii lagu dhisay Somaliland.

Xildhibaanka ayaa waxa bulshada reer Somaliland u bixiyeen Aabihii Samaha iyo Nabadda, taasi oo uu ku kasbaday nabadeynta beelo kasta oo is-dagaala iyo ka shaqeynta arrimaha nabada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this