Deeq A. Posted May 10, 2019 Muqdisho (SMN) – Dagmada Dharkenley ayaa xalay guul u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Labadan degmo oo ku wada jiray Groupka B ayaa xalay ku kulmay is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Dharkenley oo qeybaha dambe ee Barnaamij la yimid dar dar xoogan ayaa keesaday 16 Dhibcood, halka Wanlaweyn ay la timid 12 Buundo. Sidaasina waxaa xalay guusha ula hoyday degmada Dharkenley ee gobolka Banaaadir Dhinaca kale waxaa caawa tartanka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku ballansan degmooyinka Wardhiigley iyo Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Waa labo degmo oo waa weyn oo ku xifaaltama dhinaca aqoonta, taas oo caawa kulanka u yeeleysa xiiso gooni ah. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa BECO iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adulty Commercila Secondary School. View the full article Share this post Link to post Share on other sites