Sign in to follow this  
Deeq A.

Warta-Nabadda iyo Xamar-Weyne oo caawa ku loolamay tartanka aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Warta Nabadda iyo Xamar Weyne oo caawa ku loolamay tartanka aqooneedka Shabelle

 

Muqdisho (SMN) –  Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa afaraad ayaa waxaa ku baratami doona degmooyinka waa weyn ee Warta Nabadda iyo Xamarweyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Waa labo degmo oo in badan ku xifaaltama dhinaca aqoonta, waxaana ay ku wada jiraan Group-ka B ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Warta Nabadda iyo Xamarweyne oo marar badan ka qeyb galay tartanka Idaacadda Shabelle ayaa muujiyay dadaalo badan.

Balse lama oga sida ay noqon doonto natiijada caawa, maadaama labada degmo ay yihiin kuwa ku fir ficroon dhinaca waxbarashada.

Xalay oo ay wada kulmeen Dharkenley iyo Wanlaweyn ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad loo jecleystay.

Hayeeshee waxa ay guushu raacday degmada Dharkenley oo guul u soo hoysay guud ahaan gobolka Banaadir.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this