Sign in to follow this  
Deeq A.

Arsenal Oo U Soo Baxday Finalka Koobka UEFA Europa League+Wacdarihii Ciyaarta .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)Arsenal ayaa u soo baxday finalka UEFA Europa League kadib markii ay guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Valencia. Unai Emery oo taariikh layaableh ku leh Europa League ayaa markale u muuqda mid Gunners ka caawin kara in ay ku guulaystaan Europa League.

813DD30E-C84B-4658-861A-C3582DA326B0-102 1701A877-D2DF-46CC-A6B3-62FBABCAB9C3.jpe

Arsenal ayaa Valencia ku soo garaacday 4-2 iyada oo finalka ugu soo baxday wadarta labada kulan oo dhan 7-3 taas oo muujinaysa sida ay Gunners uga awood badnayd kooxda dhibta badan ee Valencia.

Arsenal oo ay rajadeeda u soo bixitaanka UEFA Champions League ku xidhan tahay guusha ay ka gaadho finalka Europa League ayaa hadda haysata fursad fiican oo ay koobkan ugu guulaysan karto isla markaana ay Champions League ugu soo bixi karto.

Aubameyang ayaa saddexley goolal ah dhaliyay halka Lacazette uu isna hal gool dhaliyay waxayna sidaa Gunners ku soo laabtay shaqadii cajiibka ahayd ee ay u soo gashay finalka Europa League.

SHIXIHII LALBADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ARSENAL (3-4-1-2): Petr Cech; Sokratis Papastathopoulos, Laurent Koscielny, Nacho Monreal; Ainsley Maitland-Niles, Granit Xhaka, Lucas Torreira, Sead Kolasinac; Mesut Ozil; Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette.

Kadyka: Bernd Leno, Mohamed Elneny, Shkodran Mustafi, Henrikh Mkhitaryan, Eddie Nketiah, Alex Iwobi, Matteo Guendouzi.

VALENCIA (4-4-2): Neto; Cristiano Piccini, Gabriel, Ezequiel Garay, Jose Gaya; Daniel Wass, Daniel Parejo, Francis Coquelin, Goncalo Guedes; Rodrigo Moreno, Kevin Gameiro.

Kadyka: Jaume Domenech, Carlos Soler, Ferran Torres, Mouctar Diakhaby, Santi Mina, Toni Lato, Facundo Roncaglia.

Arsenal ayaa doonaysay in ay si adkaysato guushii 3-1 ka ahayd ee ay Emirates Stadium kaga sii gaadhay kooxda Valencia si ay ugu soo baxdo finalka Europa League laakiin Valencia oo marti loogu ahaa Mestall Stadium ayaa dagaal wayn ugu jirtay in ay natiijadii hore dhinaca kale u dhigto.

Daqiiqadii 11 aad Valencia ayaa qaab fiican ciyaarta ku bilaabtay kadib markii ay heshay goolkeeda furitaanka ee rajada u soo nooleeyay kaas oo uu dhalyay Kevin Gameiro wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Valencia hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 17 aad Arsenal ayaa iska dul qaaday cadaadiska xoogan ee kaga imanayay dhinaca kooxda martida loo ahaa ee Valencia waxaana goolka barbaraha u saxiixay Aubameyang kadib markii uu caawin ka helay Lacazette waxayna ciyaartu noqotay babraro 1-1 ah.

Goolkani waxa uu Arsenal ka soo celiyay goolkii ay Valencia marti ahaanta ku soo dhalisay wuxuuna sidoo kale ka barbareeyay natiijada ciyaarta ee ay Valencia doonaysay in ay soo laabashada ku dhamaystirto.

Labada kooxood ayaa dadaal badan u sameeyay goolka labaad laakiin dhamaadkii qaybtii hore Aubameyang ayaa kooxdiisa Gunners ka lumiyay fursad uu goolka labaad ku dhalin karayay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah oo ay wadarta labada kulan ku garacan saraysay Arsenal.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xamaasada ayaa cirka isku shareertay iyada Valencia doonaysay in ay ka dagaalanto xaalada ay ku jirtay balse Gunners ayaa wali ahayd kooxda ciyaarta ku maamulaysay wadarta guud.

Daqiiqadii 50 aad Arsenal ayaa markeeda hogaanka ciyaarta ku hormartay kadib markii uu Lacazette dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Lucas Torreira wuxuuna ahaa gool waran xanuun badan ku noqday kooxda Valencia oo doonaysay in ay ciyaarta soo laabasho ku samayso.

Goolka Lacazette ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Arseanl hogaanka kula wareeegtay wuxuuna ahaa mid wadarta labada kjlan ka dhigay 5-2 ay Gunners si wayn ugu horayso.

Daqiiqadii 58 aad Kevin Gameiro ayaa goolkiisii labaad ee ciyaarta dhaliyay si uu markale u soo nooleeyo rajada kooxdiisa Valencia wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay barbaro 2-2 ah inkasta oo ay wali Gunners ku horaysay natiijada kulankii lugtii hore.

Daqiiqadii 69 aad Arsenal ayaa musiibo kale ku abuurtay kooxda martida loo ahaa ee Valencia kadib markii uu Aubamayeng dhaliyay goolkiisa labaad ee ciyaartan iyo waliba kan saddexaad ee Arsenal waxaana ciyaarta goolkan sameeayay da’yarka Maitland-Niles.

Ciyaarta ayaa noqotay 3-2 ay Arsenal waqti muhiim ah hogaanka ku soo ceshatay iyada oo wadarta labada kulan noqotay 6-3 ay Gunners laba jibaar ku horayso.

Daqiiqadii 88 aad Aubamayeng ayaa gool cajiib ah ugu qubeeyay kooxda Valencia wuxuuna si rasmi ah u soo gaba gabeeyay rajo kasta oo yar oo ay ka qabeen in ay goolal ku soo laabtaan kadib markii uu caawin ka helay Henrikh Mkhitaryan.

Aubameyang ayaa dhamaystirtay saddexleyda goolasha ah ee uu ka dhaliyay kooxda Valencia si uu kooxdiisa Gunners uga caawiyo in ay cadaadiska la’aan ugu soo baxdo finalka europa league.

Ciyaarta ayaa noqotay 4-2 ay Gunners ku xasuuqayso kooxdii goolka kaga hor martay ee Valencia waxayna sidaa Arsenal ku xaqiijisatay booskeeda finalka Europa League iyada oo wadarta labada kulan ku awooday in ay 7-3 ku gumaaday Valencia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this