Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo xog dheeraad ah ka bixiyay saraakiil ka tirsan Daacish oo duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaas (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa war kasoo saaray duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ka fuliyeen Puntland, taasi oo laa eegtay fariisin kooxda Daacish leeyihiin.

Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo xubno Daacish ka tirsan ay ku sugnaayeen oo ku yaala Buuraha Golis ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, duqeyntaasi oo dhacday Labo maalin ka hor.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasi oo buuraha ku dhuumaaleysanayay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu wiiqayo awooda kooxaha Al Shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama Soomaaliya.

“Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay13 ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Daacish  ayuu yiri Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan Africom ee Qaarada  Afrika Admiral Heidi Berg.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah, isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay.

Mareykanka ayaa kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo deegaanada Puntland,waxaana duqeyn 14-kii bishii April ee sannadkan ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this