Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kontoroolada ku dhow Villa Somalia oo aad loo adkeeyay ammaankooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kontoroolada Madaxtooyadda xayndaabkeeda ku yaalla, ayaa waxaa la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya, tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciidankan oo aad u feejigan, islamarkaana Qoryaha la garwaaxsan ayaa lagu kordhiyay baraha Kontorool ee Sayidka, Ceel Gaabta iyo Tiyaatarka, halkaasi oo laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Gaadiidka ay wataan shaqsiyaadka ka tirsan dowladda ayaa waxa ay ku maraan Koontaroolada Madaxtooyadda ku dhaw in laga soo dago gaariga meel ka fog goobtii hore, kadibna qofka oo gacanta ku wata aqoonsiga uu u tago askarta.

Saraakiisha Ciidanka Koofi Guduuda ayaa ciidanka amar ku siiyay inay rasaas ku furaan gaarigii soo dhaafa goobta ay taallo birta calaamada ah.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya sababta loo adkeeyay ammaanka aagga Madaxtooyada inay tahay weeraro laga cabsi qabo inay geystaan Mintidiinta Al-Shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sida caadada aheyd waxa ay bisha barakeysan ee Ramadaan kordhiyaan Qaraxyada, Weerarada tooska ah ee xarumaha dowladda iyo dilalka loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this