Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo Garowe uga adkaatay mataaneynta St. Paul kadib dagaal adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku dhawaaqay Mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, kadib loolan muddo adag socday.

Muqdisho ayaa ku guuleysatay in lala mataaneeyo magaalada Saint Paul ee caasimadda gobolka Minnesota ee Mareykanka, kadib markii uu fashilmay dadaal ay wadeen jaaliyadda Puntland ee gobolka Minnesota, oo doonayey in Saint Paul lala mataaneeyo Garoowe.

Muddo sanad ka badan ayaa waxaa dagaal xooggan galay oo mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul kasoo horjeeday jaaliyadda Puntland ee Minnesota, oo sameeyey mashruuc la magac baxay Mashruuca Mataaneynta St. Paul iyo Garoowe, horena loo oron jiray Saaxiibada Minnesota ee Puntland.

Bayaan ay soo saareen sanad ka hor oo ay werisay Caasimada Online, ayay ku sheegeen in qorshaha uu yahay mid “Waqtigiisa kasoo hormaray oo aan suurtgal ahayn”

Waxay sheegeen in mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul uu abaal marinayo “Magaalo hantida dadkoodii lagu dhacay, dadkoodiina lagu laayey, oo lagu qasbay inay ka qaxaan”, sida ay hadalka u dhigeen.

“Xaqiiqda ayaa ah in Muqdisho ay tahay magaalo ay la dageen weeraro argagixiso, oo dhammaadkoodu aanu soo dhaweyn. Waa kasoo horjeednaa in Muqdisho iyo St. Paul la mataaneeyo. Haddii sidaas ay dhacdo waxaa ka faa’iideysan doona, kuwa taageera xagjiriinta, oo ka soo horjeeda reer galbeedka” ayay yiraahdeen ururka mashruuca Garoowe.

Dagaalkan ayaa ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, waxaana Saint Paul ay garwaaqsat in Muqdisho oo ay ku nool yihiin laba milyan iyo ka badan aan lala meel dhigi karin Garoowe, oo xitaa aan dhameyn hal degmo oo ka mid ah 16-ka degmo ee Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dhaqan gelinta mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul oo guul ku soo dhammaatay

Qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

“Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed in codsigii aan u gudbiyey Mayor-ka magaalada Saint Paul ee dalka Mareykanka la soo aqbalay in Muqdisho iyo Saint Paul la mataaneeyo. Waxaan u mahadcelinayaa Golaha deegaanka oo uu xubin ka yahay Kasim Busuri, Soomalida Minnesota iyo shaqsi walba oo kaalin ka geystay”

Duqa Saint Paul Melvin Carter ayaa sheegay in Mataaneynta labada magaalo ay tahay mid ku timid saaxiibtinimada labada bulsho, isagoo ku casuumay Duqa Muqdisho inuu yimaado Saint Paul si loo dar-dargeliyo mataaneynta .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Caalamka ay sanadihii dhowaa kaalin wanaagsan ka qaadanayeen siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, tanoo kor u qaaday sumcadda ummadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this