Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in uu 13 xubnood oo ka tirsan Daacish ku dilay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Millitariga Maraykanka ayaa sheegay in ay Arbacadii duqeyn diyaaradeed ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal galabta ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala beegsaday saldhig ay Daacish ku leeyihiin buuraleyda Golis ee gobolka Bari lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan ururkaasi.

Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in duqeynta oo lala kaashaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku sugan nawaaxiga la duqeeyay.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa sannadkan sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

14-kii bishii April ee sannadkan ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay duqeyn  ku dileen ku xigeenkii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhuqub xilli uu marayey aga’gaarka tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in uu 13 xubnood oo ka tirsan Daacish ku dilay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this