Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex caddeymo oo muujinaya awoodda Al-Shabaab ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo sanadkii 2011 waqtigaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed Al-Shabaab laga saaray guud ahaan Magaalada Muqdisho, haddana weli awooda AL-Shabaab way ka muuqataa magaalada iyadoo ay dalka ka jirto Dowlad aan kumeel gaar aheyn.

Waxaa weli taagan awoodda Al-Shabaab ee Muqdisho, waxay dadka Muqdisho dhaqan geliyaan amrada kasoo baxo Kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana waxay bixiyaan lacag kasta oo ay kooxdaan kusoo rogto.

Waxaan warbixintaan kusoo qaadaneynaa seddex waxyaabood oo muujinayo awoodda Al-Shabaab ee Magaalada Muqdisho.

Caddaaladda Al-Shabaab loo doonto

Dadka Muqdisho intooda badan ma helaan cadaalad Garsoor, maadaama Maxkamadihii Dowladda ay noqdeen kuwa ku shaqeeyo Laaluush iyo isdabamarin.

Midaas waxay keentay inay dadka Muqdisho iyo weliba qaar kale oo dagan Gobolada cadaalad garsoor u doontaan Kooxda Al-Shabaab.

maxkamad.jpgSababta ugu weyn oo dadkaan ku kalifeyso inay Al-Shabaab cadaalad u raadsadaan ayaa ah hay’adaha garsoorka ee dowladda ay yihiin kuwo aysan ka marnayn musuqmaasuq iyo caddaalad darro, taasina ay ku kaliftay in maxkamadaha Al Shabaab ee shabeelooyinka, gaar ahaan deegaannada Tooro-Toorow iyo Bariirre ay caddaalad u raadsadaan, waxaana arrintaas dhawr jeer digniin kasoo saaray Dowladda Soomaaliya oo diiday in Al-Shabaab cadaalad loo raadsado balse taas inta badan dadka ma aysan aqbalin sababtoo ah uma arkaan Maxkamadaha Dowladda inay yihiin kuwa u cadaalad fali karo dadka  Shacabka ah ee kala heysto Hantida iyo kuwa Maalka isku heysto.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku andacooto in dadka Al-Shabaab cadaaladda u raadsado ay yihiin kuwa looga guuleysto dacwadaha Maxkamadaha Dowladda sida uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Maxamuud.

Canshuurta ay Al-Shabaab

Dadka ku sugan Goobaha ay dowladda ka taliso ayaa dareemayo culeys xoog leh oo ku saabsan dhanka Canshuur bixinta maadaama ay Canshuur siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab.

mogadishu.jpgCanshuurta sida caadiga ah waxaa qaado dowlad loo igmaday inay shaqo ugu badasho dadka canshuurta laga qaado balse Canshuurta Al-Shabaab la siiyo sidaas maahan oo waxay dadka ku badbaadsadaan naftooda maadaama la dilayo haddii aysan dhiibin canshuurta.

Ganacsatada ku sugan meelaha ay dowladda gacanta ku heyso ayaa si isku mid ah Canshuur u siiyo Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab midaasna waxya culeys ku tahay faa’idadii ay ka heli lahaayeen ganacsigooda.

kaamerooyinka CCTV-ga

Kooxda AL-Shabaab ayaa amartay in la joojiyo isticmaalka Kaamirooyinka qarsoon ee loo isticmaalo goobaha ganacsiga sida Hoteelada, Dukaamada iyo Guryaha ku yaal Magaalada Muqdishi kadib qatar uga timid arrintaas.

Sababta ay ganacsatada u isticmaali jireen Kaamirooyinka qarsoon ayaa ah si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa aagga ganacsigooda si ay u yareeyaan Khatarta amni iyo inay sahli karto dabagalka dhibaatooyinka loo geysto ganacsigooda.

cc.jpgQaar ka tirsan Ganacstada oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in joojiyaan isticmaalka kaamirooyinka qarsan kadib amar kaga yimid Kooxda Al-Shabaab kadib markii loo sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii ka hor timaado amarkaas.

Amarka Al-Shabaab kasoo baxay ayaa yimid kadib markii dhawr jeer ay kaamirooyinka qarsoon kasoo muuqdeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo fulinayo weeraro iyo qaar kale oo waxyaabaha qarxo ku xirayo gawaari taalo meelaha ay Kaamiradaas ku xiran tahay taasoo cabsi weyn ku keentay kooxdaan oo si qarsoodi ah u fuliso weeraradeeda Muqdisho.

Caasiimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this