Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan Qof Oo U Geeriyooday Cudur Ka Dillaacay Deegaano Ka Tirsan Somaliland Iyo Dadweynaha Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay U Soo Gurmato

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sanaag)-Shan qof ayaa cudurka Kixda ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, isla markaana dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay gurmad degdeg ah u soo fidiso.

san.jpg

Deegaanada ay shanta qof ugu geeriyoodeen cudurka Kixda ayaa waxay kala yihiin Dhabqadood, Raqas, iyo waliba tuulooyin kale oo hoos yimaada degmada Xiis ee Gobolka Sanaag, sidaasi awgeed Dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi qaar ka mid ah oo wareysi uu la yeeshay Star tv ayaa waxay yidhaahdeen, “Halkan waxa ka dilaacay xanuun qufac leh oo la yidhi waa kix ayaa dadka halleelay, waxaana ilaa hadda u dhintay inta la hubo ilaa shan qof, waxaanu xanuunkaasi deegaanadan hoos yimaada degmada Xiis uu ka jiray ilaa saddexdii bilood ee u danbeeyey, markaa waanu u soo sheegnay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo waxaanu u baahanahay inay la noo soo gurmado oo ay dawladdu noo timaado oo ay noo keento daawo”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this