Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Diiday Soo Jeedin Ka Timid Dalka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Brussels)-Wadamada midowga Yurub ayaa diiday muddo 60 maalmood ah oo ay u qabatay dowlada Iiraan oo ku aadanaa go,aankooda ah in ay ka qaataan heshiiskii wadamada quwadaha leh ee dhanka Nucoear-ka ay la gaadheen Iiraan.

155740212104ce9.jpg

Xukuumada Tehraan ayaa sheegtay in tallaabo dhanka sharciga ah u qaadi doonto arintaan si ay u difaacato danaheeda hadii aysan wadamada Yurub go,aankooda aysan soo gudbin mudo 60 maalin Ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Khamiista maanta ah madaxa dhanka siyaasada arimaha dibeda ee midowga Yurub Federica Mogherini iyo wasiirada arimaha dibeda UK Faransiiska iyo Jarmalka ayaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin Arintaan.

Dalalkaan ayaa dhanka kale sheegay in ay ka go,antahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii lala gaadhay Iiraan.

Iiraan ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday in ay dib u bilaabi doonto bacriminta hubka uranium-ka hadii mudo 60 maalin ah jawaab celin ay ka weyso Midowga reer Yurub.

Dowlada Mareykanka ayaa dhamaadkii sanadkii hore shaaca ka qaaday in ay ka baxday heshiiskii wadamada quwadaha ay la gaadheen Iiraan.

Wadamada Jarmalka Faransiiska Shiinaha UK Ruushka iyo Shiinaha ayaa qeyb ka ahaa heshiiskaan waxaana ay sheegeen in ay ka go,antahay sidii lagu xaqiijin lahaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this