Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya Oo Cashuurta Ka Dhaaftay Dadka La Soo Dagaya Qalabka Beeraha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wasaarada Maaliyada dalka Ethiopia (MoF) ayaa meel marisay cashuur la’ aan in lagula soo dago qalabka iyo mishiinada lagaga shaqeeyo beeraha.

Agri--1024x512.png

Qalabkan lagaga shaqeeyo beeraha ee dawlada Ethiopia ay cashuurta ka dhaaftay ayaa waxa ka mid ah Qalabka Waraabka Beeraha, Qalabka Lagu Quudiyo Xoolaha Nool ee Technologiyada ah iyo dhamaan qalabyada kale ee loo adeegsado qaybahaasi in laga bilaabo maanta ay cashuur la’aan yihiin ayay sheegtay dawlada dalka Ethiopia.

Waxaana sidoo kale Hay’adda Beeraha ee dalka Ethiopia oo ay wadashaqayn leeyihiin Wasaarada Beeraha ay sheegtay in dedaaladani cashuurta lagaga dhaafay qalabka beeraha ay ka mid tahay isbadalka dhinaca cashuuraha ee la sameeyey oo ka mid ah isbadalka siyaasadeed ee dalkaasi ka socda.

Waxaanay intaasi ku dareen in isbadalkan cashuurta ujeedadiisu ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhinaca wax soo saarka dalka iyo beerashada, waxaana dhamaanba meesha laga saaray waajibaadkii cashuureed ee lagu soo rogay qalabka beeraha loo adeegsado haday tahay mishiinada wax lagu qodo, kuwa waraabka iyo kuwa kale ee quudinta xoolahaba loo adeegsado.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this