Deeq A. Posted May 9, 2019 Jamaame (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca circa ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Jubbooyinka ee K/Somalia. Dqeymahan ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin degmooyinka Jamaame iyo Jilib ee gobolladaasi. Lama oga illaa iyo haatan heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay magaalooyinkaasi. Sidoo kale ma cada khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites