Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Kenya oo qorsheynaya Dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):-Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay iska-kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga dhigo gobolka Geeska Africa meel xasiloon.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Kenya maalintii shalay kadib kulan labo maalmood qaatey oo ka dhacay magaaladda Washington.

Mareykanka ayaa bogaadiyay kaalinta Kenya ay ka qaadanayso xasilinta Soomaaliya, iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo mudo 10 sano ah ka socda dalka.

Kenya iyo Mareykanka ayaa sidoo kale ku heshiiyay iyagoo kaashanaya Gollaha amaanka in xayiraado la saaro Al-Shabaab iyo kooxaha kale  ee ka dagaalamaya Soomaaliya, si loo wiiqo awoodooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this