Sign in to follow this  
Deeq A.

Hormuud oo Deeq gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga dhexe iyo Naafadda Isbitaal Martiini.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):-Iyadoo Lagu jiro Maalmihii Ugu Horeyay ee Bisha Ramadaan ayaa Xiliyadan oo kale waxaa dadka Danlayda ah iyo kuwa Naafada ah soo wajaha Xaalad Nololeed oo qalafsan,  maadama aysan lahayn awoodii Dhaqaale ee ay ugu sii Tabaabushaysan lahaayeen Afurka Ramadaanka iyo baahiyaha kale ee Bishan kusoo kordha Qoysaskooda.

Shirkadda Hormuud waxaa ay Sanadkasta Bisha Ramadaan Kaalmaha Hore Ka Gashaa Taakulaynta Dadka Masaakiinta ah iyo Kuwa Baahiyaha Gaar ah Qaba.

Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta waxa ay deeq ka kooban Bur, Sonkor, Bariis, Saliid, Cabitaan, iyo Timir ay gaarsiisay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Deeqda la gaarsiiyey maxaabiista waxaa ka mid ahaa Sidoo kale xoolo nool oo gaaraya Shan (5) neef oo geel ah, iyo  dharkii ciida ee maxaabiista.

Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliya Cabdikariin Cali Afrax ayaa u mahadceliyey Maamulka Guud iyo Shaqaalaha Shirkadda Hormuud, waxa uuna Sidoo kale Bulshada Soomaliyeed ka Codsadey in lagu Daydo  hormuud, oo laga Warqabo Dadka ay Ka maqantahay Xoriyadu ee kujira Xabsiga Dhexe.

Dhanka kale Shirkadda Hormuud Telecom Foundation waxaa ay isla maanta Booqatay Isbitaalka Martiini oo ay Ku jiraan Naafaddii Ciidamadda Xooga, waxaa ayna Naadafada u qaybiyeen Lacago Kaash ah, iyagoo ugu bishaareeyay in ay u dhiman tahay Deeq Kale.

Cabdulahi Nuur Cismaan oo ah Madaxa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation.ayaa sheekay in aysan ka caajisi doonin garab qabashadda masaakiinta.

Ugu Danbeyntii Mid Kamid ah Naafada Ciidamada Xooga ee kusugan Isbitalka Martiini ayaa ka mahadceliyey Garashada Hormuud ee Xiligan Adag.

 

Waxaa Jira dad aan Awood u lahayn in ay Si fudud ku helaan Waxyaabaha Daruuriga u ah Nolasha Aadanaha, Kuwaaso ay Xiligan Ramadaanka ugu Darantahay Caqabadaha iyo Culaysyadda kala soo Gudboonadda Dhinaca Nolasha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this