Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo wada dadaal ku aadan Dhameystirka Heshiisyadii Deyn cafinta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):-Wasiirka Maaliyadda (XFS)  Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan ducaalle Beyle ayaa sheegay in dowlada ay wado dadaal ku aadan sidii Somalia looga cafin lahaa Deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay hadii Somalia laga cafiyo deymaha in dalku uu gaarayo horumar wanaagsan,wuxuuna faahfaahin ka bixiyey sida deymahaasi Soomaaliya  loogu yeeshay iyo Dalalka lacagta kuleh.

Bankiga Aduunka (World Bank) IMF  iyo Bank Horumarinta Africa ayuu sheegay in Soomaliya ay ku leeyihiin lacag dhan Hal Bilyan oo doolar, lacagtaas oo  ay qaadatay intii udhaxeeysay 1975-tii illaa 1985 oo dhamaan lagu fuliyay mashaariic kala duwan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ayaa sheegay in Wadamadda Carabta Sida Sanduuqa lacagta carabta ee Dubai, Sanduuqa horumarinta carabta iyo bank hormarinta islaamka in ay Somalia ku leeyihiin lacag gaareysa 4079  Milyan. isaga oo carabka ku dhuftay in Dalalka Carabta iyo Hey’adaha la shaqeya ee looyaqaan Non Paris Clup ay iyana leeyihiin 666 milyan.

Wasiir Beyle ayaa carabaabay in Dowladaha Mareykanka,Canada iyo Yurup ay yihiin kuwa Somalia lacagta ugu badan ku leh.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this