Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso-Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ciyaaraha Soomaaliya Iyo Bishii April 2019

Recommended Posts

Deeq A.   

aqristayaasha ku xeran Goobjoog News waxaan idin soo aruurinay dhacdooyinkii ugu waaweynaaa ciyaaraha Soomaaliya horayna waxaa idinku soo bandhigay saddexdii bil ee ka horeesay bisha April ee 2019.

01-April 2019-Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya dhismaha iyo heerka uu iminka marayo garoonka kubbadda cagta ee Dr Ayub Stadium ee Magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in garoonka la saaro cowska macmilka.

56510892_2228658070546942_53425144108144

02-April 2019-Laacibka reer Kenya ee weerar ugu dheela kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Marcel Odhimabo ayaa lagu doonsiiyay abaal marinta xidigii ugu Wanaagsanaa kooxda dowaldda hoose wuxuuna u mahad celiyay maamulka iyo taageerayaasha Muqdisho City Club.

56373670_2054060644671621_66425499956920

03-April 2019-Xoghayaha naadiga Muqdisho City Club Maxamed Cumar Xaashi ay kooxdiisa u guddoomay ruqsada ka mid noqosahada xiriirka Soomaaliyeed ee teeniska dheere.

56679377_2055265431217809_46023207864038

04-April 2019-Cabdiraxmaan Xaamud oo ay da’diisa tahay 14 sano jir ayaa ku guuleystay abaal marinta Jack petchey award kadib markii uu kaalinta labaad uu ka galay tartanka Watford Open Graded Meetings 2019 da’da ka yar 15 sano.

55869449_1265109830309365_45950607841401

05- April 2019-Orodyahan Cabdinuur Maxamed Garaad oo u tartamayay degmada Kaaraan ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka sanadlaha ah ee Muqdisho Marathon, isagoo ka guulaystay ciyaartooy badan oo ka socotay degmooyinka Gobolka Banaadir.

55959587_2243349562570457_30614888650983

06-April 2019- Madax waynaha Maamulka puntland Saciid Cabdillahi Deni ayaa dhagax dhigay garoon kubada cagta oo ay yeelanayso magaalada bosaso maadama garoonki hore uu noqday xaafado dhexdood waxaa goob joog ka ahaa dhagax dhiga mas’uuliyeen ka socotay xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland.

56555902_630657587347765_883465887358858

07-April 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaal mariyay ciyaartooydii kaalamaha hore ka galay Muqdisho Marathon oo ay ka galeeen wiilal iyo gabdho oo ka kala socday 17degmo.

56549493_2245314319040648_42685057147265

08-April 2019 Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kaas oo si wanaagsan loo qalabeeyay.

070A9189-300x200.jpg

10-April 2019-Magaalada Muqdisho waxaa kulan kuwada qaatay safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye waxayna ka hadlaan horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga Soomaaliya.

56610415_1249901251828018_25882387538981

11-April 2019-Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa degmada Xamar Jajab kusoo xeray tartan u socday32 iskuul waxaana qabsoomida tartanka lahaa maamulka idacaada ciyaaraha Goolfm.

4-300x200.jpg

12-April 2019-Maamulka isboortiga Gobolka Banaadir ayaa degmada Warta Nabada kusoo xeray tartan u socday dugsiyada sare ee degmada Warta Nabadda waxaana ciyartii kama dambeysta usoo daawaso tagay bulshada deegaanka,iyagoo si heer sare uga ka helay xirafada dhalinyaradii ka qeybgashay intii uu socday.

56990377_2247992782106135_74948481892881

13-April 2019-Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka horyaalka heerka 2aad waxaana Fiinaalka soo wada tiigsaday kooxaha kala ah FC Mudane iyo FC Dareeel waxaana koobkii quruxda badnaa hantay xidigaha FC Mudan.

56811349_2686118024748295_51208694194587

14 April 2019-Goolhiyii hore kooxaha Horseed iyo Madbacada Qaranka iminka ah guddomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje ayaa ka qeybgalay shirka goolhayaasha oo sanadka la qabto bisha April waxaana sanadkan lasoo bandhigay.

57028976_10155850053716331_7913798291685

15-April 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa wareegto kasoo baxda xafiiskiisa lagu qeexay in guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland loo magacaabay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo horay u ahaa tababarihii kooxda Puntland ee intii u dhaxaysay sanadihii 2016-2017,isagoo kooxda u qaaday koobkii 1aad ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadii 2016.

13903354_973382332787875_101816052503584

16-April 2019-Oradyahan Cabdi Daa’uud Rooble oo ka mid ah ciyaartooy u diiwaangashan Xiriir ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka oradka dheer ee ka dhacay Denmark.56922767_1272594692894212_40100217580809

17-April 2019-Garsoorayaasha kubadda cagta Soomaaliya oo bilaabay ssticmaalka alada GPS lagu ogaanayo fay-qabka iyo heerka tababarka waxaana qalabka loo yaqanaa (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS),iyado dhawaan laga hergeliyay qaarada Afrika.

MVI_3488.00_00_56_09.Still015-1024x576-3

18-April 2019-Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Canada kula kulmay ciyaartooydii hore xulka qaranka Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtar Cuti) iyo Maxamed Xaaji wuxuuna xilidhabaanka casuumada uu ka helay bahda isboortiga ee ku nool wadanka Canada.

57183714_2711027188938837_48445674602731

19-April 2019-Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay shirwaynaha 28-aad ee Qaaradda Afrika waxaana Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir Xiriirka cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah xiriirada sida weyn loogu amaano cayaaraha fudud ee 800 KM.

57373052_1255851344566342_48421808027813

20-April 2019-Gudoomiyaha kooxd Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje oo safar shaqo ku joogay dalka Finland ayaa la kulmay ciyaartooydii hore kooxda ee ku nool qurbaha,isagoo la wadaagay horomarka ay Elman samaysay sanadihii lasoo dhaafay iyo in ay kaalin ka qaataan doorkooda horomarinta Ciyaartooydii kulanka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Gaduudow,Aweys Winkey Dacayey, Nuune, Muse, Baasuuke Siidka,

57417852_2282611675094602_35598473808807

21-April 2019-Xiriirka kubbadda cagta oo tababar u soo xeray garsoorayaasha heerarka kala duwan tabarkan intii uu socday waxaa lagu baranayay isbadalada ku yimid shuruucda dhinaca garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida iyo adeegsiga aalada casriga ah ee loo yaqaano GPS.

IMG_EFD712-DF8C69-EE394A-061A51-10142B-9

22-April 2019-Xidigihii saddexlayda bishii December 2018 ka dhaliyay xulka Jabuuti Feysal Axmed Xasan kana mid ahaa ciyaartooydii dalka u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka ayaa si rasmi ugu mid noqday naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaana saxiixan laacibkan isha ku hayay kooxaha waaweyn ee dalka.

 Sequence-05.00_02_15_03.Still003.00_00_0

23-April 2019-Kooxda Halgan United ayaa markii labaaad oo xiriir ah waxa ay ku guulaysatay tartanka ciyaaraha kubadda cagta Soomaalida ee Ameerika tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay 20kooxood oo ka kala yimid magaalooyin ku yaal wadammada Mareykanka iyo Canada.

57555477_10219875600266186_3334892283999

24-April 2019-Kooxda North London oo ka dhisan dalka UKayaa ku guulaystay ciyaaraha Old Boysoo sanadkan lagu qabtay dalka Finland waxaana tartanka ka qeybgalay ilaa 111 koox waxaana kooxda North Londan hogaaminyay guddomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Garooje.

59252940_2318416951761348_69686046670559

25-April 2019-Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa ciyaartooydii Soomaaliya u imaaday sanadkii laso dhaafay 2018 ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada ayaa kulankii ugu horeeyay uu kasoo Muuqday horyaalka Soomaaliya qaatay calaamada casaanka,inkastoo xidigan uu taageerayaasha kooxd dowladda hoose ee Muqdisho City Club uu ka raali geliyay falkaas.

57536301_2084689584942060_65570375275412

26-April 2019- Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa gaartay gushii ugu horeesay ka dib markii ay 4-2 kaga adkaatay dhigeeda Ekero IK.

57543583_2041007009329831_38694468557125

27-April 2019- Deegaanada Soomaalida degto ee dalka Kenya ayaa looga dhawaaqay xul kubadda ah oo markii ugu horreysay ka qeyb geli doono ciyaaraha horyaalka qaran ee Kenya.

D41at4OX4AAje_o-300x200.jpg

Xulkan oo loogu magac daray ‘Northern Wanderers’ ayaa la filaya inay dhaqan geliyaan qorshahooda ah inay soo bandhigaan ciyaar heer qaran ah isla markaasna ay fursad u siiyaan dhalinyarada gobolka si ay xirfaddooda guul uga gaaraan.

D41aaM5XoAAvJmF-300x200.jpg

28-April 2019-Tababaraha Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) ayaa markale sheegay in ay kooxdiisa ay u qalanto in sanadkii saddexaad oo xariir ah in ay ku guulaysan karto horyaalka.

32313193_1887121484654049_22240838056086

29-April 2019-Kulan ay isugu yimaadeen dhamaan ciyaartoyda kala duwan ee kooxaha heerka 1aad heerka 2aad iyo heerka 3aad ee Jubaland ayaa ka dhacay garoonka Waamo ee magaalada Kismaayo u jadeeda kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay la shaqeeynta Xiriirka kubbadda cagta Jubaland waxayna bogaadiyeen horomarada ay wadaan madaxda xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland.

Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhacdooyinka Bisha April 2019 

58749367_827979827561913_774629817920887

30-April 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo soo saaray isku aadka tartanka Iskuulada waxaana sanadkan ka qeybgalaya ilaa 14-iskuul Ciyaartooydii kasoo baxday tartanka waxa ay Sanadkii lasoo dhaafay 2018 Soomaaliya gaarsiiyeen fiinalaha tartanka da’yarta Afrika.

00406.00_00_09_23.Still002-300x169.jpg

Halkan Ka Daawo Dhacdooyinka Bisha April 2019 Oo Ay Goobjoog Diyaarisay

Xogta Waxa ay gaar u tahay Goobjoog Sports

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-qalinl39@gmail.com

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this