Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amaanka oo soo badbaadiyay Shaqaale Shirkad Internet oo lagu afduubtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka degmada Dharkeynley iyo saraakiisha ciidamada booliska degmadaasi ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay baaritaan ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Dharkeynley.

Ciidamada ayaa baaritaankaasi ku baadi goobayay shaqaale la sheegay inay la shaqeynayay shirkad bixisa Adeega Internet-ka oo lagu afduubtay degmada Dharkeynlay.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Dharkenley Abuukar Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay baadi goobayeen dadka afduubta geystay islamarkaana ay soo heleen qofkii la afduubtay.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay baxsadeen qaar kamid ah raggii  gaystay afduubka kadib markii ay arkeen Ciidamada amaanka oo ku raad jooga balse ay soo qabteen gaarigii afduubka loo adeegsaday.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Dharkeynleey ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen, darawalkii waday iyo askarii qayb ka ah raga afduubka gaystay.

Waxa uu intaa ku daray gudoomiyaha in raggaani ay ahaayeen Shabakad horay uga jirtay degmada dharkeenley qofkii guri dhisanayana ay ka kaxeysan jireen Ingineerka si ay lacago baad ah uga qaadaan.

Waa dhacdadii ugu horeysay oo ka dhacday degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir tan iyo sanadkaan 2019.

Caasiimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this