Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda UK oo war cusub kasoo saartay khilaafka DF iyo maamullada iyo cayrintii Haysom

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka UK u fadhiyay magaaladda Muqdisho, Ben Fender ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka, xilli labada dhinac uu shir uga socdo magaalada Garoowe.

Ben Fedner oo waraysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inuu rajaynayo in iskaashi uu dhexmaro dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ah oo lagu heshiiyo dhamaystirka dastuurka, doorashada, amniga iyo qaybsiga khayraadka.

Dowladda UK ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo Mareykanka uu ku jiro oo madaxda ku shirsan Garoowe ku cadaadinaya inaysan halkaas kasoo tagin ayaga oo aan heshiis gaarin.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

“Sir ma ahan, in Uk iyo beesha caalamku ay ka xumaadeen sidii loo maareeyay eryidii Haysom, Waxaan dareenay in sidaas ayan ahayd in sidaas ula dhaqmaan hay’ad ay iskaashi ka dhaxeeyo” ayuu yiri Safiirka

“Waxaan soo dhawaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan Qaramada Midoobay u magacowdo Ergaygeedii Soomaaliya, balse waxaa jira hannaan loo maro shaqaalaysiinta, waxaan filayaa in howshaasi meel fiican marayso ” ayuu sii raaciyay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this