Sign in to follow this  
Deeq A.

PM:-Kheyre oo Xalay la caweeyay Shacabka Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa Xalay ka qeyb galay kulan afur ah  uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Garowe.

Afurkan  ay maamulka gobalku Ku Casuumeen Ra’iisulWasaare xassan ayaa waxaa ku wehlinayey wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Mas’uuliyiin Kale.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre  ayaa xalay  booqday qaar kamid ah goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Garowe,  wuxuuna mid mid ula sheekaysatay dadkii ay kulmeen.

Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa  bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad gelyadda ay iska kaa shanayaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this