Deeq A. Posted May 9, 2019 Garoowe (SMN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa Xalay ka qeyb galay kulan afur ah uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Garowe. Afurkan ay maamulka gobalku Ku Casuumeen Ra’iisulWasaare xassan ayaa waxaa ku wehlinayey wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Mas’uuliyiin Kale. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay booqday qaar kamid ah goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Garowe, wuxuuna mid mid ula sheekaysatay dadkii ay kulmeen. Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad gelyadda ay iska kaa shanayaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites