Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmadda Howl-wadaag oo Guul ka gaartey Tartan Aqooneedka Shabelle.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):– Xalay Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaaga ee gobolka Banaadir.

Tartamayaasha labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan wanaagsan oo ku dhisan Aqoon, wadatashi iyo is faham intaba.

Labadani degmo ayaa u dambeeyey Group A oo ay ku wada jireen illaa 4 degmo oo kala ahaa Kaxda, Baraawe, Hodan iyo Howlwadaag.

Hodan ayaa la timid 6 buundo, halka Howlwadaag oo guushu ay raacday ay keensaTay dhibco gaaraya 14 , sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale.

Howlwadaag ayaa noqoneysa degmadii labaad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka, waxaana ka horreeyay Kaxda oo guul ka gaartay dhiggeeda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.

Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmooyinka Dharkenley iyo Wanlaweyn oo ku wada jira  Groupka B ee tartanka.

Sidoo kale labad degmo ayaa ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this