Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Ku Burburtay Garoon Ku Yaalla Dalka Myanmar Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Myanmar)-17 qof oo ay ku jiraan Duuliyaha iyo 4 Shaqaalaha Diyaaradaasi ayaa dhaawacmay, kadib markii ay Diyaarad Rakaab oo laga lahaa dalka Bangaladesh ay ku dhacday Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee magaaladda Yangoon ee dalka Myanmar.

1-16.jpg

Waaxda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Diyaaradda ka baxday dhabaha Garoonka, kadibna ay laba cad u kala jabtay.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Bombadier Dash 8 waxaa saarnaa 29 qof oo rakaab iyo 4 shaqaale, wuxuuna Duuliyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee shilkaasi dhliyey ahayd Cimilada oo aad u xumayd, isla markaana ay dabaylo xooggan dhacayeen.

Wargeyska The Myanmar Times waxa uu soo bandhigay Sawirada Burburka Diyaaradda oo taalla dhul caws ah oo ku dhow dhabaha ay Diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Bangladesh ee Biman waxaa la socday Rakaab ka soo kala jeeda dalalka Bangaladesh, Myaanmaar, Shiinaha, Kanada, Faransiiska, Switzerland iyo Hindiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this