Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Amiirka Dalka Qatar Oo Wada-hadal Dhinaca Taleefanka Dhex-Maray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wakaalada wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency ayaa sheegtay in wadahadal dhinaca Talefoonka ah ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani.

Amiirka-Farmajo5-696x361.jpg

Labada mas’uul ayaa wadaahalkooda waxa uu la xidhiidhay Salaan iyo isu hambaleynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalinimadii Isniinta ee todobaadkan bilaabatay.

QNA ma bixin faahfaahin intaasi dhaafsiisan oo ku aadan haddii uu jiro arrimo kale oo ay isla soo qaadeen Farmaajo iyo Tamim.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya oo la xidhiidha wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani.

Qatar oo galaangal ku leh Siyaasada gudaha ee Soomaaliya ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siisa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana horaantii sannadkan ku deeqday lacag gaadheysa 20 milyan oo ah Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this