Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Venezuela Oo Markii Ugu Horreysay Xabsiga U Taxaabtay Mid Kamid Ah Hogaamiyeyaasha Mucaaridka Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Venezuela)-Xukuumada Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa markii ugu horeysay xabsiga u taxaabtay mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka ee ka qeyb qaadanayey qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.

edgar-zambrano2.jpg

Hogaamiyahan la xiray oo lagu magacaabo Edgar Zambrano ayaa ah Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalkaasi oo ay aqlabiyadiisa heystaan xisbiyada mucaaridka ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido ayaa horey u sheegtay inuu yahay Madaxweyne kumeel gaadh ah.

Juan Guaido iyo kooxaha mucaaridka ayaa todobaadkii hore isku dayey inay sameeyaan inqilaab militari oo ay ku fashileen, kadib markii ay taageero ka waayeen inta badan ciidamada dalkaasi Venezuela oo weli daacad u ah xukuumada Madaxweyne Nicolas Maduro oo isagu ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday sanadkii tagay.

Mucaaridka oo taageero ka helaya Maraykanka ayaa doonaya in xukunka laga tuuro Nicolas Maduro oo ay kasoo horjeedaan siyaasadiisa u jeen jeerta garabka biddix iyo dhinaca dadka saboolka ah ee reer Venezuela.

Maduro oo isagu sheegay inuu heysto taageerada inta badan shacabka iyo militariga ayaa sheegay in kooxaha mucaaridka ay hogaamiyanayaan tujaarta dalkaasi horey uga soo talin jiray oo doonaya inay dalkaasi iyo khayraadkooda shidaalka u gacan geliyaan Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this