Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada ONLF Oo Ka Hadashay Gaaska Dabiiciga Ah Ee Laga Helay Dhulka Ismaamulka Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Jabhada ONLF ayaa ka hadashay keydka gaaska dabiiciga ee gadhaya 1.6 Trillion Cubic Feet ee laga helay Deegaanka Hala-quraan ee dhulka Ismaamulka Soomaalida.

hirmoge..jpg

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Caddaani Hirmooge ayaa sheegay in shidaalkan la helay ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, balse ay ka fara maroojiyeen maamuladii hore ee DDSI, haatanse aysan jirin cid ka leexsan karta xuquuqdooda.

Waxaa uu sheegay in dib loogu noqonayo heshiisyadii ay hore u saxiixeen maamuladii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in kheyraadka dhulkaas ku jira ay manaafacsadaan dadka deegaanka.

“Hantidan hanti Soomalaiyeed weeye, doorka dowladda Ismaamulka ay ku leedahay arrimaha gaaska iyo Batroolka, dowladda shacabka ay leeyihiin iyo doorka ay Jabhadu leedahayba waa iney cadaataa arintaas, heshiisyadii hore ee dadka Soomaaliyeed lagu dul minaayay ma soconayaan” ayuu yidhi Hirmooge.

Afhayeenka Jabhada ONLF ayaa dhinaca kale sheegay in xubno ka mid ah hoggaankooda iyo Wasiirka Batroolka Itoobiya ay hal mar kulan ka yeesheen arinta shidaalka, isagoo tilmaamay iney u cadeeyeen walaaca ay ka qabaan in la iska qaato kheyraadkooda, iyadoo aan laga tala gelin shacabka iyo maamulka halkaasi ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in kheyraadka laga helo dalka Itoobiya si cadaalada loo qeybin doono, isagoo intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Itoobiya ayaa todobaadkan shaaca ka qaadday in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) ay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this