Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Cunaqabateyno Horleh Duldhigay IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ee Donald Trump oo cadaadis ku heysa xukuumadda Iran ayaa sheegtay inay cunaqabateyn kusoo rogeen dhamaan Birta ay Iran dunnida u suuqgeyso, Maraykanka ayaa horey u mamnuucay shidaalka uu dalkaasi soo saaro.

Birta-Iraan2.jpg

Cunaqabateyntan cusub ayaa qoreysa in shirkadaha iyo wadamada aysan iibsan birta, aluminium iyo maarta (copper) ay Iran caalamka u suuq geyso.

Qorshaha Maraykanka ayaa ah in dhaawac weyn loo geysto dhaqaalaha dalka Iran si cadaadis loo saaro xukuumada Tehran ama uu kacdoon dalkaasi uga dhasho, waxayna xulafada Maraykanka oo ay ku jiraan Sacuudiga, Isreal iyo imaaraatiga horey ugu hanjabeen inay qaadi doonaan tilaabo militari.

Dhinaca kale dowlada Iran ayaa beesha caalamka siisay muddo 60 maalmood ah inay la yimaadaan tilaabo lagu bedbaadinayo heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo ay saxiixeen 2015, heshiiskaasi oo uu ka baxay dalka Maraykanka oo kamid ahaa wadamadii wax ka saxiixay.

Iran ayaa sheegtay inay dib u bilaabi doonto kobcinta Yuraaniyumka laga dhaliyo Quwada Nukliyeerka arrintaasi oo aan jabin doonin heshiiskii horey u saxiixday balse ah digniin ku socotada Beesha Caalamka in IRAN aysan usii adkeysan doonin cunaqabateynta Maraykanka, heshiiskii horey loo saxiixay ayaa ahayd in Iran joojiso barnaamijka nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta dhaqaale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this