Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalidii Ugu Badneyd Oo Ka Qeybgashay Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Koofur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Koofur Afrika)-Waxaa xalay la soo gabagabeeyay doorashadii Madaxtinimo ee ka socotay dalka Koofur Afrika, kaasoo ay ku tatamayeen hoggaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee dalkaasi ka jira.

doorasho-anc1-696x472.jpg

Saddexda Xisbi ee kala ah Xisbiga talada haya ANC, Xisbiga D.A iyo Xisbiga saddexdii sano ee u danbeysay ololaha balaaran waday ee E.F ayaa ugu cad cadaa kuwa loolamayay ee loo saadaalinayo in midkood uu ku guuleysan doono doorashada madaxtinimo, waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo maalinimada Sabtida ah.

Sagaalka gobol ee Koofur Afrika ayay doorashada si isku mid ah uga socotay, waxaana sanaadiiqda codadka la dhigay meelaha ay bulshada ku badan tahay sida Isbitaalada, Iskuulada, Jaamacadaha iyo xarumo kale, iyadoo ugu dnabeyn xalay la soo xiray dhamaan goobihii cod bixinta.

Dadka codadka dhiibanayay ayaa ahaa kuwo muddo ku siman Lix bilood ka hor isu diiwaan geliyay codeynta, iyadoo shalay fasax ay wada aahayeen Shacabka maadaama ay u eheyd maalin ay soo dooranayeen qofkii hoggaamin lahaa wadanka.

Soomaalida ayaa la sheegay in sanadkan ay markii ugu badnaa ee codeynta ka qeyb qaataan, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in inta badan Soomaalidii codadka dhiibatay ay taageerayeen Xisbiga Sanadihii u dambeeyay talada hayay ee A.N.C.

Si kastaba, waxey noqoneysaa 25 sano kadib markii u horeysay oo doorasho tan lamid ah ay ka dhacdo wadanka, iyadoo shacabka Koofur Afriika ay soo xasuusteen doorashadii uu ku guuleystay sanadkii 1994 Nelson Mandela.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this