Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Dalkiisa Ka Ceydhiyay Diblumaasiyiin U Dhashay Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Dowladda Ruushka ayaa dalkeeda ka ceydhisay laba diblumaasi oo u dhashay Sweden kadib markii xukuumada Stockholm ay diiday in Visaha ay u cusbooneysiiso Saraakiisha Ruushka.

1557347644c1ab2.jpg

Af-hayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka Sofia Nahringbauer ayaa arbacada maanta ah sheegtay in dalkeeda uu si rasmi ah u diiday in Visaha dal ku jooga ah uu u kordhiyo diblumaasiyiinta Ruushka u jooga Shiinaha.

Ruushka oo ka jawaabaya arintaan ayaa dalkiisa ka ceyriyay laba diblumaasi oo Sweden u joogay magaalada Moscow.

Ms Nahringbauer ayaa diiday in ay jawaab ka bixiso in dowlada Sweden ay wax talaabo ah qaadi doonto iyo Inkale.

Dhanka kale afhayeenka wasaarada arimaha dibeda ruushka Maria Zakharova oo warbaahinta kula hadashay Moscow Arbacadan ayaa talaabada ay qaadeen ku sheegtay in ay la xidhiidho diidmada ka timid Sweden.

Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya iyadoo labada dal mid mid kale uu ku tuhmayo in uu Basaasayo.

Bishii Jenewery ayaa laamaha amniga Sweden waxay ku xireen magaalada Stockholm la taliye dhanka technology-da oo u dhashay dalkooda xilli uu casho la qaadanayay diblumaasiyiinta Ruushka.

Sweden ayaa ku eedeysay in Ruushka uu u tababaray muwaadiniinta Sweden in falal basaas ah uu u Adeegsado.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this