Deeq A. Posted May 9, 2019 Xubno ka agdhow madaxda ku shirsan Garoowe ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in isfaham laga gaaray qaar kamid ah qodobada looga hadlayo shirka wada-tashiga madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Garoowe. Sida la sheegayo qodobada heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah arrimaha dowlad goboleedyada Galmudug oo maalmihii u dambeeyay muran ka dhex aloosay shirka iyadoo hadda la isla gartay in la isu keeno dhinacyada is khilaafsan ee Galmudug iyo in madaxweyne Xaaf laga aqbalay mudda kordhin uu ku gorgortamay. Sidoo kale waxaa la isku raacay in doorashada Jubaland wakhtigeeda la qabto iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya laga saxiixay in aysan wax fara-gelin ah ku samayn doonin doorashada madaxtinimada Jubaland. Qodobada kale ee heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah xeerarka doorashooyinka iyo betroolka oo la go’aamiyay in dib loogu noqdo islamarkaana xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyadu isla diyaariyaan. Waxaa kale oo la isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo in wax kasta oo tabasha yimaada laga wada-hadlo iyadoo la qaban doono kulamo dambe oo lagu sii wadayo wada-shaqeynta. Qodobada kale ee heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah Amniga Qaranka iyadoo la isku raacay in la sameeyo qorshe amni oo midaysan kaasi oo ay ku wada-shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada gaar ahaanna xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada. Qodobada aan weli heshiiska laga gaarin ayaa la filayaa in saacadaha soo socda kulamo kale laga yeesho sida ay sheegayaan xubno ka war-haya shirka. Shirka ayaa sida qorshuhu yahay ugu dambayn la soo geba-gabayn doona jimcaha berriya haddii laga heshiiyo qodobada harsan. Afeef: Xogtan waxan ka helnay xubno ka agdhow shirka balse mar kasta wax baa iska beddeli kara maadaama aysan si rasmi ah u soo bixin PUNTLAND POST The post Qodobada la isku raacay shirka Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites