Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Qaraxyo iyo raggii Fulin lahaa oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi.

Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa baaritaankaan ka sameeyay xaafadaha magaalada, waxaana lagu raad joogay dad la tuhunsanaa inay abuuri lahaayeen falal amniga magaalada Boosaaso wax u dhimaya.

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa howlgalkaasi kusoo qabtay aalado qaraxyo ah oo lagu qarinayay xaafadaha magaalada Boosaaso iyo shaqsiyaadkii ku howlanaa, sida saraakiisha ay sheegeen.

Saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ayaa sheegay in baaritaanka ay sameeyeen kadib markii ay xog kaheleen laamaha amaanka, taasi oo dhalisay inay toos u weeraraan halka lagu tuhmayo inay qaraxyada yaaleen.

Saraakiisha ayaa sheegay in shaqsiyaadka lagu soo qabtay howlgalka ay baaritaan ku socdaan islamarkaana ay saxaafadda la wadaagi doonaan, marka uu baaritaanka dhamaado.

Ugu dambeyn saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ayaa ka dalbaday shacabka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago dadka falalka amni darada ka geysan kara magaalada.

Inta lagu gudo jiro jiro bisha Ramadaan waxaa laga baqayaa in kooxaha Daacish iyo Al Shabaab weeraro ka fuliyaan magaalada Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this