Deeq A. Posted May 9, 2019 Bariire (SMN):-Wararka ka imaanaya Deeganada Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in Xalay Goor fiidkii ah ay Alshabaab Weerar ku qadeen Fariisin Ciidan oo kuyaala Deegaanka Bariire oo ay dhawaan la wareegen Ciidamad dowladda. Weerarka Kadib waxaa goobtaasi ka dhacey Dagaal mudo socdey oo u dhaxeeya Libada Dhinac, waxayna ilo deegaanka ah sheegayan in la isku adeegsaday Hub Culus. Majirto Ilaa hadda Qasaaro Sirasmi ah loo shaaciyey. Dagaalyananadda Alshabaab ayaa tiro dhawr jeer ah weerar ku qaadey Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose. Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada La Wareegay Bariire ayaa Warbaahinta kal hore u sheegay in ay Xaqiijiyeen Amniga Bariire, Islamarkaana uu Qorshahoodu Yahay in ay la wareegan Goobo Kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites