Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab oo mar kale Dagaal ku qaaday Bariire.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN):-Wararka ka imaanaya Deeganada Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in Xalay Goor fiidkii ah ay Alshabaab Weerar ku qadeen Fariisin Ciidan oo kuyaala Deegaanka Bariire oo ay dhawaan la wareegen Ciidamad dowladda.

Weerarka Kadib waxaa goobtaasi ka dhacey Dagaal mudo socdey oo u dhaxeeya Libada Dhinac, waxayna ilo deegaanka ah sheegayan in la isku adeegsaday Hub Culus.

Majirto Ilaa hadda Qasaaro Sirasmi ah loo shaaciyey.

Dagaalyananadda Alshabaab ayaa tiro dhawr jeer ah weerar ku qaadey Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada La Wareegay Bariire ayaa Warbaahinta kal hore u sheegay in ay Xaqiijiyeen Amniga Bariire, Islamarkaana uu Qorshahoodu Yahay in ay la wareegan Goobo Kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this