Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo lagu eedeyay Faragalinta Soomaaliya iyo dalal kale.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):-Washington ayaa shalay oo Arbaco ahayd war ay soo saartay waxa ay eedeyn kulul dusha uga tuurtay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta.

Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dagaallo iyo Khilaafyo ka aloosan gudaha dowlado dhowr ah oo carbeed kuwaas muddo sanado ah ay hareeyeen muranno xoogan.

Madaxa Guddiga Xiriirka  Dibadda Golaha Baarlamaanka Maraykanka Jim Rish  ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu dabagal ku sameyn doono  kaalinta Isutagga Imaaraatka Carabtu ku leeyihiin , Xiisadaha ka jira dalalka Sudan , Libya iyo Somalia.

Warbixin sanadlo ah oo looga hadlayay Xaaladaha Nabad Gelyada ee Qaaradda Africa  ayaa daaha ka rogtay in faragalinta Imaaraatka ee Geeska Africa ay wiiqday xiriirada dalalka Gobolkaasi dhaca taas oo sidoo kale fashilisay dadaaladda dib hagaajinta ee Gobolka Geeska Africa muddooyinkii dambe ka hana qaaday.

Sidoo kale Warbixinta ayaa tilmaamtay in Heshiisyada Iskaashi ee Imaaraatku la saxiixday , Somaliland iyo Puntland  ay u muuqdaan kuwa caqabado ka dhex abuuraya Labadaasi maamul iyo dowladda Dhexe ee Somalia.

Ugu dambeyn ayaa Warbixinta waxa ay Imaaraatka   ku eedeysay in cirka ku sii shareereyso Xaa

ladda dalka Sudan ee dhawaan Milatarigu Afgambi kula wareegeen.

Imaaraatka Carabta ayaa horay shaaca uga qaaday in ay taageereyso Maleeshiyada uu horkacayo Sarkaalka lagu Magacaabo Khaliifa Xaftar ee doonaya in awoodda dalka Libya uu xoog  kula wareego iyadoona Dowladda Caalamku ka aqoonsan yahay ee dalkaas Imaaraatku ku tilmaameen Argagixiso.

Imaaraatka ayaa galaangalkiisa Gobolka Geeska Africa billaabay Tobankii sano ee u dambeysay iyagoo uga gollahaa sida warbixintu xustay damaceeda ku aadan in  danaheeda  garaka ah ay ka fushato  Gobolkaasi  Geeska Africa maadaama Gobolku yahay marin isku xir oo Muhiim u ah Qaaradda Assia.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this