Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari Qarax looga shakisan yahay oo yaala agagaarka KM4

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari looga shakisan yahay qarax uu yaalo agagaarka Hotel Afrik.

Gaariga oo ah nooca raaxada ayaa la dhigay albaabka Hotel Afrik oo ku yaala wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba xeray wadada aada garoonka diyaaradaha, waxaana dad weynaha loo diiday inay halkaasi adeegsadaan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay tan iyo bilowga bisha Ramadaan, waxaana waddooyin badan la dhigay ciidamo boolis ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaanan la ogeyn inay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa iyo in kale, balse  laamaha amaanka oo ka shakiyay muddada uu meesha Yaalo ayaa ku amray dadweynaha inay ka fogaadaan.

59554572_277916829755469_893719699582772

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this