Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb. Kiimiko oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin  kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto.

Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uuna qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, Maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

IMG-20190508-WA0013.jpgIMG-20190508-WA0012.jpgIMG-20190508-WA0011.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this