Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis Horudhac ah oo laga gaaray shirka M/ Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Garowe  oo shir Xasaasi ah uu uga socdo Masuuliyiinta DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku soo warramayo in Heshiis horudhac ah laga gaaray qaar ka mid ah qodobadii la iskula soo qaaday shirkaasi.

Qodobada ay isku afgarteen Masuuliyiinta shirkaasi ka qeyb galaya  ayaa sida Warar Hoose ay ku heleyso Shabelle waxaa ka mid ah.

1:-In la dhiso Gole Isku dhaf ah oo ka kooban Xukuumadda Federaalka Somalia iyo maamul Goboleedyada.

2:- In Dib u eegis lagu sameeyo  heshiisyada la xiriira Arrimaha Shidaalka iyo doorashooyinka soo socda .

3:- in Muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo In dib loogu soo celiyo xarunta Baarlamaanka Galmudug Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

4:- La dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

5:- Dar Dar gelinta Wadahadalladii DFS iyo maamulka Somaliland.

6:- sidoo kale Dar dar galinta wada shaqeynta Wasaaradaha XFS iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Inta badan dadka ka faalooda Siyaasada dalka ayaa u arka in qodobadaan ay u muuqdaan kuwa dowladda dhexe  ay Tanaasul xoogan ugu sameysay soo jeedinta Madax Goboleedyada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this