Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shirka Garoowe oo ku socda digniinta SAFIIRKA Mareykanka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Garoowe ayaa sheegaya in madaxda halkaas ku shirsan ay gaari la’yihiin wax heshiis ah, hase yeeshee aysan haysan wax ikhtiyaar ah oo ay halkaas uga soo tagaan.

Ilo-wareedyo ku dhow xafiisyada qaar ka mid ah madax goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in waxa kaliya ee hadda madaxda ku haya shirkan oo galay maalintii afaraad ay tahay cadaadiska safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto, oo la kulmay dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka maalmo ka hor shirka ayaa la sheegay inuu uga digay in haddii aysan Garoowe ku gaarin heshiis dhab ah in beesha caalamka ay ka niyadjabi doonto Soomaaliya, una arki doonto Soomaalida kuwa aan dooneyn in dalkooda hore u socdo.

“Waxa kaliya ee hadda madaxda ku haya halkan ayaa ah digniinta safiirka Mareykanka, ee mar hore ayay tagi lahaayeen” Waxaa sidaas yiri mas’uul ku sugan shirka oo magaciisa qariyey.

Shirka ayaa waxaa maalmihii koowaad uu waqti kaga kulmay xiisadda madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay shirka ka baxay.

Waxaa sidoo kale la isku qabtay qodobka doorashada ayada oo madax goboleedyada ay dalbadeen in dowladda ay dib ugu laabto sharcigii ay meel-mariyeen golaha wasiirada, taasi oo madaxda dowladda ay diideen.

Qodobkan ayaa caqabadda ugu weyn noqday, wuxuuna hor-istaagay in heshiis buuxa la gaaro, ayada oo qodobo kale oo dhowr ah oo la isku raacay aan la saxiixi karin qodobkan la’aantiisa, maadaama uu yahay qodobka ugu muhiimsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this