Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobabka gu’ga oo ka da’ay degaanno kamid ah Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Roobka.jpg?w=1000&ssl=1Roobabkii xalay ka da’ay gobolka Cayn

Roobabka gu’ga, ayaa xalay miray degaanno ka tirsan gobolka Cayn oo abaaro baahsan iyo biya la’aani ka jirtay, sida ay soo sheegayaan bulshada ku nool degaannada roobsaday.

Tuulooyinka xalay roobku miray waxaa kamid ah: Dan-Dan, Sarmaan, Dhillaalo, Balli-cad, Carra-weyn iyo Banyaal oo dhammaantood ka tirsan gobolka Cayn, inkastoo roobabka halkaasi ka da’ay ay kala duwan yihiin, iyadoo meelaha qaar doogsimo keliya laga soo sheegayo, halka degaanna kalena ay roobab badan ka da’een.

Tuulooyinka Dan-Dan, Balli-cad iyo Dhillaalo ee gobolka Cayn iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran, ayaa waxa isu raacay roobabkii gu’ga oo mir iyo mayay leh(bariise), kuwaasi oo buuxiyay balliyada, saaxaha iyo gal-gelimaha sida lagu soo warramayo.

Sidoo kale, roobab teel-teel ah oo aan sidaasi u badneyn, ayaa ka da’ay degaanno kamid ah gobollada Sool iyo Mudug, balse sida la sheegayo waa jaamo yar yar, marka loo eego abaarta daran ee dhulkaasi ka jirta.

PUNTLAND POST

The post Roobabka gu’ga oo ka da’ay degaanno kamid ah Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this