Deeq A. Posted May 8, 2019 Garowe (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa ka warbixiyay kulan magaalada Garowe ay ku wada qaateen wasiirada amniga ee maamul goboleedyada dalka. Wasiir Yuusuf ayaa sheegay in wasiiradu ay ku heshiiyeen in meel looga soo wada jeesto dhibaatooyinka amniga ee ka jira guud ahaan dalka, islamarkaana la’iska kaashado ka hortaga dadka dambiyada ka geysta deegaanada dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo qaarkood u baxsada gobollada kale. Sidoo kale waxa tilmaamay in arrintaasi ay muhiim u tahay amniga dhammaan maamul goboleedyada dalka. Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, xilli qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada ay haatan ka jiraan dhibaatooyin ka dhan ah amniga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites