Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Wadajir oo qabtay Wiil iyo Aabihiis oo dhac ka geysanayay degmadaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay degmada Wadajir ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay Wiil iyo Aabihiis oo dhac ka geysanayay gudaha degmadaasi.

Cabdraxmaan Maxamed Macalin Cali guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in labada qof ee la soo qabtay ay ka tirsan yihiin Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa magacyada raggaasi ku kala sheegay Cumar Qaboobe Xasan iyo Khadar Cumar Qaboobe oo labaduba ah Wiil iyo Abihiis.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in raggani ay ku wareejiyeen xeer ilaalinta Qaranka, si loo horkeeno cadaaladda.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/cod-guuleed.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this