Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf oo ka baxay shirka Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Garoowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uusan ka qeyb-galin shirkii dhacay caawa afurkii kadib.

Xaaf ayaa ka baxay shirka kadib markii uu diiday yabooha dowladda federaalka ay ugu ogolaatay in hal sano loogu daro waqti xileedkiisa, sida aan werinay maanta gelinkii hore.

Xaaf ayaa ku adkaysanaya in muddo xileedkiisa uu kasoo billowday markii uu dhacay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug, taasi oo macnaheedu yahay inay u hartay saddex sano oo hor leh.

Dowladda ayaa ku adkaysatay in waqtigiisa kasoo billowdo markii uu beddelay Cabdikariim Guuleed, taasi oo macnaheedu yahay in dhamaadka sanadkan ay doorasho dhacdo. Si kastaba, si xal loo gaaro, loona qanciyo, dowladda ayaa sanad dheeri ah u ogolaatay Xaaf.

Sanadka Xaaf loo ogolaaday, oo xitaa ay dowladda ku raaceen madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, ayaa la rumeysnaa inuu xal u noqon doono in khilaafka Xaaf iyo dowladda la dhameeyo, waxaana loo badinayey inuu Xaaf ogolaan doono, hase yeeshee Xaaf ayaa ku adkaystay mowqifkiisa.

Kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxaana Farmaajo uu ku guul darreystay inuu qanciyo Xaaf.

Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waan waan ugu tagay Xaaf, wuxuuna sidoo kale ka diiday isku day ay shirka ugu soo celin lahaayeen, waxaana caawa la shiray isaga oo madasha ka maqan.

Ma cadda in Xaaf uu kusoo laaban doono kulanka dhacaya subaxa arbacada iyo in kale, balse waxaa jiray caawa dadaallo lagu qancinayo inuu shirka kusoo laabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this